Waa maxay sababta Donald Trump haatan dacwad looggu soo oogayo ?

Washington (Raxanreeb) — Khubarada cilmi-nafsiga ah, ayaa sheegay in haatan ay gabo gabo ku dhowdahay baaritaanka uu ku sameynayo Donald Trump, baaraha gaarka ah ee Jack Smith, ee ku aaddan qaabkii uu madaxweynihii hore ee Mareykakna, Donald Trump, u maamulay dukumentiyada sirta ah.

Waaxda Caddaaladda ee dowladda Maraykanku, ayaa waxay shaaca ka qaaday in tani ay noqoneyso siyaasad aanay eed ka raaci doonin, ama aan dembi ku keeni doonin Madaxweynaha haatan talada dalka Maraykan haya, Joe Biden.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, ayaa wali ah musharaxa ugu cad cad ee xisbiga Jamhuuriga ugu sharaxan tartanka madaxwaynenmada ee doorashada Maraykanka.

Waxaa laga yaabaa in xafiiska sharciga ee baaritaanka gaarka ah sameynayo uu soo wajahay cadaadis, taasoo ah in dacwad oogayaashu ay u muddeeyaan xiliga ay dhacayso maxkamadaynta Donald Trump, ka hor doorashada lagu wado iney dhacdo sandaka 2024-ka.