Maxay tahay ciidamada laga mamnuucay Stadium Muqdisho

Maxay tahay ciidamada laga mamnuucay Stadium Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasaaradda Dhallinyarada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ka mamnuucday ciidanka hubeysan garoonka dhexdiisa, xilli hore loo arkay in la dhibaateeyay shacabka ciyaaraha daawanaya.

“Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedinaysaa taageerayaasha kala duwan ee ciyaaraha dowladd goboleedayda iyo gobolka Banaadir sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo habmaamuuska ee wasaaraddu u xilsaartay” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Intii ay ciyaarahu socdeen waxaa soo baxay arrimo dib u u qiimayn u baahan oo wasaaraddu ku baraarugtay oo halis gelin lara bedqabka ciyaaryahanada, masuuliyiinta dowladda iyo taageerayaasha garoonka jooga” ayaa lagu yiri mar kale.

Go’aankan ayaa soo baxay si loo ilaaliyo badqabka dadka shacabka ee usoo daawasho tagaya garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Garoobka gudahiisa ayaa laga mamnuucay in ay soo galaan ilaalada hubka badan sita kuwaas oo abuuray caqabado dhanka amniga ah, ee garoonkaasi.

Ciidamada iyo hubka ayaa lagu soo reebayaa goobo cayiman ee afaafka hore ee garoonka Muqdisho, garoonka iyo amnigiisa ayaa mas’uul ka ah, gudaha iyo bannaanka amniga garoonka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay fududeyneeso tikidyada lagu galo in laga heli karo dhammaan degmooyinka Muqdisho ku yaalla.