Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo la doortay.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo la doortay.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe oo ay ka socotay doorashada Guddoonka Barlamaanka maamulka Puntland ayaa waxaa la doortay Guddoomiyaha.

Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 2024 – 2029 sida Guddiga doorashada ay ku dhawaqeen.

Magaalada Garoowe waxaa wali ka socoto doorashada Guddoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada maamulkaas oo la filayo  in dhawaan la soo afmeero.

Ammanka halka doorashadu ay ka dhacayso ayaa aad loo adkeeyay waxaan wadooyinka qaar la dhigay ciidan ilaaliya nabadgalyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.