Maxey kawada hadleyn guddoomiyaha hay’adda SoDMA iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ?

Maxey kawada hadleyn guddoomiyaha hay’adda SoDMA iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kawada hadlay xaalada guud deegaanadii la xoreeyay iyo qorshayaasha la xiriira howlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay diiradda saareen sidii Hay’adda SoDMA uga qayb qaadan lahayd gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynayo in laga xoreeyo kooxda Al-shabaab.

Waxaa la isku afgartay in SoDMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaanka u noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha bini’aadannimo.

Si loo xaqiijiyo iskaashi buuxa, labada mas’uul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda SoDMA.

Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.