Maxey kawada hadleyn Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh ?

Maxey kawada hadleyn Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh ?

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ah oo yesheen, waxa uga wada hadleyn danaha labada dalka, iyo arrimaha amniga ee gobolka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in mar walbo Itoobiya ay diyaar u tahay, in ay xoojiso xiriirka qotoda dheer ee ay la lee dahay Soomaaliya.

“Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay xoojinta danaha labada dalka, xasiloonida, amniga iyo horumarka”, ayaa ku  yiri ra’iisul wasaare Abiy oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Abiy Axmed, ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb gashay furitaanka biyo xireenka Itoobiya, waxa uuna inta badan kala hadlay sidii Itoobiya, ay u heli laheyd dalal ay siiso koronta tamarta lagu dhaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.