Maxey tahay ujeedka uu Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya u tagay daka Indonesia ?

Maxey tahay ujeedka uu Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya u tagay daka Indonesia ?

Jakaarta (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho shaqo ku gaaray magaalada Jakaarta, caasimadda dalka Indonesia.

Inta uu ku gudo-jiro booqashada labada maalmood ah, Wasiirka waxa uu kulamo la yeelan doonaa dhiggiisa Indonesia, iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Jakaarta, waxaana garoonka ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Indonesia, Danjire Feysal Axmed Salaad, diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda, iyo safiirro ka socda qaar ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Kulamadan waxa ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo kaalinta Soomaaliya ee diblomaasiyadda gobolka iyo caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.