Maxey yihiin heshiiska ay wada gareen Soomaaliya iyo Pakistan ?

Islamabad (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Yusuf Cali – Xoosh iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee safarka ku jooga magaalada Islamabad, ayaa kulan heer sare oo mirodhal ah la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari.

Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Dowladda Pakistan ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo weliba iskaashiga dhinacyada amniga gaar ahaan ololaha joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Dhankiisa, Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa mar kale adkeeyay mowqifka mabda’a ah ee dalkiisu ka taagan yahay taageerada iyo ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isaga oo muujiyay diyaargarowga Pakistan ee sii xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida iyo dadaallada dhismaha dowladnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.