Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo katirsanaa AS

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo katirsanaa AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maanta oo Khaamiis ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo katirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo geystay falal amni darro ah.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Axmed Maxamed ( Anwer) Xamsa Jeylaani Cabdullaahi ( Abtiga)  Xassan Cali Xuseen ( Garaad).

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, saddex eedeysane ayaa lagu helay in dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Muqdisho ee deegaano katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya, ayaa dib u biloowday toogashada oo muddo hakad ku jirtay, waxaana 11 bishan Agoosto 2025, dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa ciidanka xoogga oo lagu helay in ay abaabuleen dilka taliyahooda iyaga oo  la shaqeeynayey kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale bishan oo kali ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa fulisay dilka 6 xubnood oo katirsan Argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.