Millateriga Soomaaliya oo Atms kala wareegay saldhigyo Ciidan

Millateriga Soomaaliya oo Atms kala wareegay saldhigyo Ciidan

Muqdisho (Raxanreeb) — Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inay wareejiyeen maamulka iyo gacan ku haynta laba saldhigyo milatari oo kale, iyadoo ay sii socoto hawsha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee ka hawlgala Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu wareejiyey Cadale, iyo Arbacow.

Magaalada Cadale ayaa hawlgalka ATMIS uu sheegtay in ciidamada Burundi ay maamulka ku wareejiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wareejinta waxaa sameeyey taliyaha ciidamada Burundi ee ATMIS sarreeye guuto Jean Claude Niyiburana oo ku wareejiyey Gaashaanle Sare Saney Cabdulle, oo ah taliye guuto oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Saldhigga Arbacow oo ku yaalla maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ATMIS sheegtay in lagu wareejiyey ciidamada xoogga dalka.

ATMIS waxay sidoo kale sheegtay in la xiray saldhigga Marka Ayuub oo ay horey u joogi jireen ciidamada Midowga Afrika.

ATMIS waxay horey u wareejiyeen saldhigyada Xaaji Cali iyo Miirtaqwo. Waxaa harsan in cidamada ATMIS ay wareejiyaan saldhigyada Aljazeera 1 iyo Geriley.

ATMIS ayaa sheegtay inay dalka ka bixi doonaan ciidamo dhan 2 kun oo laga soo qaaday saldhigyada la wareejiyey bishan Juun oo ay berri u dambayso.

Dawladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay inay diyaarisay ciidamadii la wareegi lahaa mas’uuliyadda ciidamada 2-da kun ah ee la dhimayo.

Tallaabada ay ATMIS ku dhimayso ciidankeeda ayay horey ugu heshiiyeen dawladda Soomaaliya yo Midowga Afrika, waxaana la filayaa in tallaabada xigta ay noqoto 3 kun ciidan dhan oo iyaguna ka bixi doona Soomaaliya bisha September ee sannadkan.