Mucaaradka iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah uga soconayo Muqdisho

Mucaaradka iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo kulan xasaasi ah uga soconayo Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho, waxaa galabta ka soconaya shir u dhaxeeya madasha samata-bixinta mucaaradka iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Waxaana shirkan uu daaran yahay sidii madasha samata-bixinta mucaaradka uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed, ay u joojin lahayeen banaanbaxa nabadeed ee ay ku dhawaqeen inuu berri ka qabsoomi doono magaalada Muqdisho.

Guddigan xildhibaanada ee katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isku dayaya in mucaaradka ay ku qanciyaan in joojiyaan banaanbaxa. Balse waxaa la tilmaamay in xubnaha mucaaradka ay tallabadaasi ka biyo dideen.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanada ay xubnaha ka codsadeen in xitaa ay dib u dhigaan banaanbaxa, inta ay xasarada ay ka dageyso, hayeeshe waxaa la tilmaamay in codsi gaasi ay gaashaanka u duruureen mucaaradka, iyaga oo cadeeyey in banaanbaxa uu dhici doono maalinta berri ah ee 27-ka September.

Wadooyinka muhiim ah ee caasimada ayaa lagu arkaya ciidamo badan oo katirsan dowladda, kuwaasi oo si aad ah u feejigan. Waxaana hay’adaha amniga ay si cad u shegeen in banaanbax uusan ka dhici doono magaalada.

Sikastaba, xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in berri in ay banaanbax ku qaban doonaan degmada Deyniile, Xaafada Sinaay iyo Tarbuunka, iyaga dadka shacabka ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.