Muqdisho (Raxanreeb Online) Xaalada magaalada Muqdisho, ayaa ah maanta kacsan kaddib markii xubnaha mucaaradka ay ku dhawaqeen in ay qabanayaan banaanbax nabadeed oo dowladda ay ku dhaliilayaan, isla markaana ay kaga hoorjedaan burburinta dhulka ee ay wado dowladda Soomaaliya.
Xubnaha mucaaradka ayaa banaanbaxooda ku beegay berri oo sabti ah, waxaana magaalada lagu arkaya ciidamo badan oo katirsan kuwa ammaanka oo wadooyinka taagan.
Xukuumadda federaalla, maamulka gobolka banaadir iyo Hay’adaha Amniga ayaa si isku mid ah uga horyimid qabsoomida banaanbaxa, waxana u digeen mucaaradka in qabashada banaanbaxa wixii mas’uuliyda ee ka dhasha ay ayaga qaadan doonaan.
Geesta kale xubanaha mucaaradka oo xalay warqad u diray wasaaradda amniga gudaha ayaa ka codsaday in laamaha amniga ay sugaan ammaanka dadka dhigaya banaanbaxa, hayeeshee Hay’adda amniga ayaa ka soo horjeestay qabashada banaanbaxa.
Mucaaradka ayaa kulamo looga arrinsanayo banaanbaxa kawada magaalada Muqdisho.

Leave a Reply