MUQDISHO : DAB khasaar baaxad leh gaystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha.

MUQDISHO : DAB khasaar baaxad leh gaystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Dad xoogan oo khasaare gaystay ayaa maanta oo Jimca ah ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa la sheegay in goobo ganacsi oo is xig xiga uu ku faafay taas oo keentay inuj kordho khasaaraha hantida ah ee uu gaystay sida ay sheegeen ganacstada.

Dabka ayaa qabsaday dukaamo halkaas ku yaalla, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku baaho qeybaha kale ee Suuqa.

Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa isku dayaya iney demiyaan dabkaas ka kacay suuqa inkastoo ay caqabad ku noqdeen sandaqado laga dhistay jidadka Suuqa dhexmara.

Dabka qabsada Suuqa bakaaraha ayaa mudooyinkan soo laalaabanayey, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab qabsaday qeybta Cabdalla shideeye loo yaqaano ee lagu iibiyo Electronikada ee Suuqa bakaaraha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawr jeer waxa uu sheegay inuu dejin doono qorshe ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa ama loo yareyn lahaa khasaaraha baaxada leh ee dabka ay gaystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.