MUQDISHO : Ma jirto khudaar la soo galiyay intii tiilayna ,qiimaha sare u kacay

MUQDISHO : Ma jirto khudaar la soo galiyay intii tiilayna ,qiimaha sare u kacay

Muqdisho ( Raxanreeb ) Suuqyada magaalada Muqdisho waxaa laga wayaay gabi ahaan suuyadeeda noocyada khudaarta labadii maalin  ee la soo dhaafay.

Arintan ayaa loo sababaynayaa ka dib markii gadiidka khudaarta lagu celiyay duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo Eey baaraya.

Sida wararku ay sheegayaan gadiidkan ayaa sugayay labadii maalin ee la soo dhaacay eeyaha wax uriya oo Dowladda Soomaaliya ay gaysay duleedyada caasimadda si looga hortago falal amni darro.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u dareemay qiimaha khudaarta oo sate u kacday maanyta iyo shalay waxaana cariiri lahaa in la helo khudaarta qaar.

Dhibaatooyinka kale ee markii hore ganacsatada  khudaarayda ay qabaan ayaa ah saamaynta roobka uu ku yeeshay waddooyinka soo gala caasimadda ee labada Shabeelle.

Dowladda Soomaaliya  ma aysan ka hadal cabashada dadka Muqdisho ee la xiriira caqabada ka taagan baraha kantatool halkaas oo ay ku xaniban yihiin gadiid badan ee sida khudaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.