Muqdisho oo caawa kala go’an + sababta.

Muqdisho oo caawa kala go’an + sababta.

Muqdisho (Raxanreeb )-Magaalada Muqdisho waxaa xalay saqdii dhexe illaa haatan ka da’ay roob lixaad leh oo isku socadka dadka iyo gaadiidka, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada saameyn weyn ku yeeshay, xilli lagu jiro bilaha Xagaaga.

Roobka oo ku dhawaad 6 saacadood xariir ah magaalada ka da’ay ayaa ah mid kamida roobabkii ugu xooganaa ee sanadahan ka da’a caasimadda, ayadoo dad badan oo shaqooyin iyo danaha kale u bixi lahaa ay guryaha ku xannibanyihiin, jidadkana ay daadadka mahiigaanku jareen.

Qaar kamid ah gaadiidlayda magaalada oo aan la hadlayna ayaa inoo xaqiijiyay in dhqdhaqaaqa dadka iyo baabuurtu ay aad u xadidanyihiin oo waddooyinka intooda badan ay biyo fadhiyaan, daadadkuna ay rogmanayaan.

Sidoo kale ardayda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad galaya, gaar ahaan kuwa degmooyinka fog fog ka yimaada ayuu roobku saameeyay, maadaama ay jidadka intooda badani go’anyihiin, roobkuna uu weli da’ayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.