Muqdisho xal maloogu gaari karaa xiisadda Laascanood ?

Muqdisho xal maloogu gaari karaa xiisadda Laascanood ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxda sare ee Dowladda  Federaalka Soomaaliya & ismida  deegaanada  gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn halkaas oo wali xiisad ay ka jirto.

Diirada waxaa lagu saaray kulamadan , xaaladda guud ee deegaanada maamulkaas iyo sida ay tahay in loo dhameeyo dagaalka muddo dheer qaatay ee lagu waayay naf iyo maal.

Magaalada waxaa ku sugan  ismimada  gobolada Sool iyo Sanaag  kuwaas oo warbixin  – guud ka siinayay madaxda Dowladda  dagaalka Somaliland ay ku soo qaaday deegaanadooda.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo  ay kulmeen isimida SSC ayaa sheegay in aan la aqbali karin sii socoshada dagaalka rayidka ku baa’baya ee ka jira goboladaas.

Sidoo kale, ra’iisul Wasaaraha Soomaaloya Xamza Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada haatan taagan.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya  iyo Odayaasha dhaqanka gobolada Sool Sanaag iyo Cayn waxa ay hore ula kulmeen madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada- hadleen xal u helida Laascanood.

Ma jiro wax xal ah oo wali laga gaaray xiisada ka taagan magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaa soo markasta ay ka dhacaan iska hor imaadyo hubaysan oo dhaxmara dadka deegaanka iyo ciidanka Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.