Muuse Jaamac Cige oo katirsanaa guddiga xuquuqal insaanka Somaliland oo is casilay.

Muuse Jaamac Cige oo katirsanaa guddiga xuquuqal insaanka Somaliland oo is casilay.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Xubin muhiim ah oo katirsanaa guddiga komishinka xuquuqul insaanka maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in uu is casilay, kaddib qoraal uu soo saaray uu kaga hadlay is casilaadiisa iyo sababta rasmiga ah ee ku dhalisay.

Sidoo kale, Muuse Jaamac Cige, oo kamid ahaa todobada xubnood ee guddiga xuquuqul insaanka maamulka Somaliland ayaa shaacisay in uu iska casilay xubannimadiisa, waxa uuna caddeeyay in uu isku casilay sababo isaga iyo deegaanka uu kasoo jeedo u gaar ah.

Is casilaada Muuse Jaamac Cige , ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo bisha soo socoto in deegaannada maamulka Somaliland doorashooyin ka dhacaan, waxaana xisbiga Madaxweyne Muuse Biixi iyo maamulkiisaba ka baxaya xubno badan oon ku qancin hab maamulkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.