Muxuu daaran yahay kulanka Xasan Sheekh & Muuse Biixi ?

Muxuu daaran yahay kulanka Xasan Sheekh & Muuse Biixi ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse  Biixi Cabdi Madaxwayanaha Somaliland ayaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Jabuuti.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka dhoofay maanta oo Khamiis ah magaalada Hargaysa  isaga oo ku  wajahan dalka Jabuuti halkaas oo uu ka dhici doono kulan  dhaxmaraya [isaga] iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa casuumad rasmi ah waxa ay ka heleen Madaxwaynaha Jabuuti Osmael Omar Geelle si loo ambaqaado wada – hadalada labada dhinac u socday in mudda ahba.

Sida  wararka ay  sheegayaan labada dhinac ee Xasan Sheekh iyo Muuse biixi Cabdi ayaa ka wada hadli dooni si ambaqaadista , wada hadaladii socday si loo gaaro , natiijo  wax ku ool ah.

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuut  laakiin  markaas ma aysan ka wada hadlin wax ku saabsan arrimaha labada dhinac

Wada hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad galay in muddo ah , waxaana wada hadaladan ay soo mareen heerar kala duwan .

Leave a Reply

Your email address will not be published.