Nabadoon Caan ahaa oo si xun loogu dilay Jowhar

Nabadoon Caan ahaa oo si xun loogu dilay Jowhar

Jowhar (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah oo Nabadoon caan ahaa xalay loogu gaystay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Nabadoon Xasan Cali Muude, ayaa xalay tuulada Casir Maal, ee hoostagta magaalada Jowhar, dabley hubeeysan ku dileen.

Nabadoonka ayay kala dageen dablayda gaari uu saarnaa, kadibna ay rasaas ku fureen illaa ay nafta ka baxdo.

Nabadoon Maxamed Xasan, oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo beegsaday Nabadoonkaasi.

“Dabley hubeysan ayaa dhexda u gashay waa la istaajiyay oo la aqoonsaday soo dag ayaa ka dhahay, kadibna kaligiis ayay wateen, wayna dileen” ayuu yiri Nabadoon Maxamed.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday mid ka mid ah, dablayda dilka fulisay gacanta lagu soo dhigay, kuwa kale lagu raad joogo.

Wuxuu intaasi ku daray in dilka Nabadoonka aysan ka danbeeyn kooxda Al-Shabaab, balse ay geeysteen koox manaxayaal ah, isa soo abaabulay.

“Nimanka dilay cid kale ma’aha Shabaabna ma aha ee waa niman ay isku hayb yihiin, haddana mid kamid ah waa la haayaa isaga iyo qorigiisa” ayuu yiri mar kale.

Hay’adaha amniga ee Hirshabeelle ayaa wada baaritaano dheeraad ah, sida uu ku dhacay dilka Nabadoon Xasan Cali Muudeey.

Si kastaba hasa yeeshee, dilkan ayaa qeyb ka ah, falal amniga lidi ku ah, kaas oo ka dhacay Hirshabeelle, walow lala xiriirinayo aano Qabiil.