Taiwan (Raxanreeb) — Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay xeebta koonfureed ee Taiwan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof.
Dhulgariirkan oo cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa sababay in dhismooyin badan ay ku burburaan Hualien, oo ah magaalada ugu dhow ee xuddunta u ah, halkaasoo dadaallada samatabixintu ay ka socdaan.
Dhulgariirkan oo ah kii ugu xoogganaa ee jasiiraddan ku dhuftay muddo 25 sano ah ayaa laga dareemay dhulka buuralleyda ah.
Magaalada caasimadda ah ee Taipei, ayaa sawirrada iyo muuqaallada waxay muujinayaan dhismooyin ruxmaya.
Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in ay arkeen dhismaha qaar oo dumay halka qaar kalena ay jaleeceen ama dhinac u janjeeraan waxa ay taasi dhalisay cabsi kale oo la xiriirta in khasaare kale halkaas ka dhalan karo haddii aanay kahortag iyo wacyigelin la samayn.
Taiwan waxaa horay usoo gaaray Digniin uga timid dhinaca Japan oo dhul-gariirkaan laga saadaaliyay in uu dhinaca Xeebta uga gudbi doonno Ismaamulkaan yar ee weli ku hoos nool maamulka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Sawirro, laga soo qaaday Magaalada Caasimadda u ah Taiwan ee Taipei waxaa ka muuqday dhismo ruxmaya ama lulmanaya kuwaas oo Dadkii degenaa laga saaray markii la dareemay in aanay xaaladdu wanaagsanayn sida hadalka lood higay.
Bulshada Taiwan ku nool waxaa lagu qadaray ama lagu qiyaasay 106,368 sida ku cad daraasad la diiwaangeliyay sanadkii 2014kii ee la geliyay kaydka Wikipedia, Taiwan ayaa ku doodda in ay ka go’day Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha inkasta oo aanay aqoonsi rasmi ah helin.