Nigeria  : Booka Xaaraam oo Naigeria Ku Dishay 7

Nigeria  : Booka Xaaraam oo Naigeria Ku Dishay 7

Nigeria  (Raxanreeb )- 7 qof ayaa la dilay, halka 100 kalena waa la afduubtay kaddib markii rag hubeysani ay weerar ku qaadeen dad reer miyi ah oo ku nool gobolka Katsina ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, dadka deegaanka iyo booliiska ayaana sheegay in weerarkani uu dhacay xilli habeennimo. ah, islamarkaana lala beegsaday qoysas reer guuraa ah.

Afhayeenka booliiska gobolka Abubakar caliyow Sadiiq ayaa xaqiijiyay weerarka iyo dhimashada 7-da ah, balse ma sheegi doono in qof la la’yahay iyo in kale, Wuxuuna xusay in laamaha nabad-galyadu ay dhacdada baarayaan.

“Ragga soo haray ee aan cararin waxay ku nool yihiin cabsi, waxayna sugayaan inay maqlaan warka ku saabsan eheladooda la afduubay,” ayuu yiri Muhammad Sani, oo walaashiis lagu afduubay weerarka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay mooto bajaaj ay soo gaareen tuulada Maidabino oo ka tirsan ismaamulka Danmusa ee gobolka Katsina, waxaana ay bilaabeen in ay rasaas goos goos ah furaan, taas oo dadka ku qasabtay in ay kala cararaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.