Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in la qabtay 10 qof oo la macaamilay Al-Shabaab, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
War kooban oo kasoo baxay hay’adda ayaa looga digay shacabka in ay wax macaamil ah la yeeshaan xubnaha Shabaab katirsan.
Shacabka ayaa intooda badan u doonta Al-Shabaab caddaalad walow ay u badanyihiin dhulalka muranka ka taagan yahay sida guryaha.
Hay’adaha Garsoorka Soomaaliya ayaanan lagu kalsoonayn ayagoona qaata inta badan laaluush aad u badan oo dadka aysan awoodin ayadoo saas jirto ayay haddane midka aan lahayn guriga ama dhulka u xukmiyaan.
Leave a Reply