Muqdisho ( Raxanreeb ) Koox hubaysan ayaa maanta oo Isnii ah Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen , ganacsade caan ka ahaa suuqa Degmadaas.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa u sheegay RBC in ganacsadahan – Kooxdan ay ku dhax toogteen goobtiisa ganacsi ka dibna ay isaga baxsadeen halka ay dilka ka gaysteen.
Saraakiil ka tirsan maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan sidii uu u dhacay dilka ganacsadahan oo lagu magacaabo Daahir jugle .
Lama sababayn waxa keenay dilkan , mana jirto koox sheegatay hase ahaatee maalmahanba magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal loo gaysanayay dad rayid ama xitaa ganacsato.
Maamulka Degmada Wadajir oo dhawaan hadlay waxa u sheegay in gacan bir ay ku qaban doonaan ammaanka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixinaya digniino joogta ah oo ku saabsan amaanka caasimada ka dib markiiAl- Shabaab loogu soo itaal roonaaday deegaano ka mid ah dalka.
Wixii ku soo kordha kala soco :
www.raxanreeb.com
Leave a Reply