PUNTLAND : DENI oo shir muhiim ah yeeshay Xisibyada siyaasadda.

PUNTLAND : DENI oo shir muhiim ah yeeshay Xisibyada siyaasadda.

Muqdisho (Raxanreeb )-  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Xubnaha madaxda Puntland ay kulanka la qaateen  ayaa kala ahaa  Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024.

kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland  Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Leave a Reply

Your email address will not be published.