Puntland & Galmudug oo digniin adag u diray beelo dagaalamaya.

Puntland & Galmudug oo digniin adag u diray beelo dagaalamaya.

Gaalkacyo (Raxanreeb )- Maamullada gobalka Mudug ee Galmudug iyo Puntland iyo waxgaradka labada dhinac ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo dagaalkii u dhaxeyay laba maleeshiyo beeleed kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada dagaalamaya.

Guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee labada maamul, ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.

Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto.

Dhinaca kale guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.