Garoowe ( Raxanreeb Online) Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in 22-ka bishan ay magaalada Gaalkacyo urari doonaan dhammaan ciidanka dhalinyarada ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska, kuwaas oo hadda ka howlgala magaalada Garoowe.
Taliye Muumin waxa uu ku tilmaamay u jeedka ciidamada loo gaynayo Gaalkacyo in ay tahay wax ka qabashada xaaladda amni ee magaaladaas oo ay ka mid tahay maleeshiyada haysata xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
Gen. Muumin oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garoowe wuxuu faray ciidamaas in ay u diyaargaroobaan sugida amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.
Maleeshiyo hubaysan ayaa muddo toban bari ah haysata xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegaya in ay lacag ku leeyihiin qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada.
Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maalmo ka hor ka dalbaday dowladda dhexe ee Puntland ciidamo lagu sugo amniga xarumaha dowladda, laguna soo celiyo kala dambeynta iyo sharciga.

Leave a Reply