Garowe (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay warbaanta ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah kuwaas oo ku aadan Itoobiya iyo ka maamul ahaan xiriirka ay la leeyihiin.
Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in wada shaqeynta iyo iskaashiga Puntland iyo Itoobiya uu haatan wanaagsan yahay, wuxuuna tilmaamay inay weli shaqeyneyso qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay Garoowe, isla markaana aysan xiri doonin marnaba.
Wuxuu kaloo sheegay in aysan Puntland wax shaqo ah, ku lahayn khilaafka xooggan ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Itoobiya kaas oo ay isku haayeen Badda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa weerar afka ah, ku qaaday xildhibaannada BFS ee Puntland ku matala dowladda dhexe, wuxuuna tilmaamay in iyaga ay quseyso mowqifkooda iyo waxa ay ka yeelaan xaaladda taagan hadda.
Puntland, iyo dowladda dhexe ayaan weli xiriirkoodu xunyahay kaasoo saameeyn ku yeeshay wada shaqeeyntii ka dhaxeeysay labada dhinac, halka Puntland ay horey u sheegtay in ay u dhaqmeeyso sida Dowlad oo kale.
Bishii April, Puntland ayaa ku dhawaaqday go’aan siyaasi ah oo ay gaareen golaheeda wasiirrada balse u madlan yihiin golaheeda wakiillada kaas oo ah in ay kalsoonidii ay kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, kadib markii shalay ay barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel-mariyeen wax ka baddelka dastuurka.
“Dowladda Puntland waxay halkan ku hakisay dhammaan wadashaqeyntii iyo xiriirkii ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo soo baxay xalay saqdii dhexe.
Xiriirka waxaa dib loo soo celin lahaa oo kaliya haddii Muqdisho ay “soo celiso oo ay raacdo dastuurka federaalka ah ee saxda ah ee dalka”, iyo sidoo kale wadatashiyada ku saabsan arrimaha amniga iyo xaqiijinta in si cadaalad ah loo qaybiyo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan ayaa intaa lagu sii daray.
“Sida dowlad madax bannaan inta laga helayo dowlad wax heshiis lagu yahay oo ay qayb ka yihiin” sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay.
Khilaafkan u dhaxeeya labada dhinac ayaa ka dhashay Dastuurka Kumeel Gaarka, wax ka baddelkiisa kaas oo aan lala tashan maamul goboleedyada dalka oo Puntland ugu horreeyso.
Wada-shaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.