Puntland oo ka warbixisay howlgal duqeymo ah oo laga fuliyay buuraha Calmiskaad

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgalka cir iyo dhul ah ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday xubno sarsare oo ka tirsan Daacish.

“Calmiskaad, hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay fuliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya hawlgalka, ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsarre oo ka tirsan argagixisada Daacish. Wixii faahfaahin ah wakhtigeeda”, ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale wararka madax bannaan ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo aroornimadii hore ee maanta ay fuliyeen ciidamada gaar ah ee Maraykanka uu ka dhacay godadka Bakuuje ee Baalade oo lagu tuhmayay in ay ku jiraan madax sarsare oo ka tirsan Daacish.

Wararka ayaa tilmaamaya in godadka lagu dilay madax ka tirsan kooxdaas oo ajaaniib u badan, qaarkoodna meydkooda ay qaateen ciidamada howlgalka fuliyay ee Maraykanka.

Waa howlgalkii 2-aad oo dhulka ah oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan aaga lagu dagaalamayo Daacish, iyadoo kii hore bishii July ee sanadkan lagu qabtay madaxii maaliyadda kooxdaas ahaana wakiilka u qaabilsan ajaaniibta, Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac).

Weli dowladda Maraykanka faahfaahin ka bixin howlgalka cirka iyo dhulka ah ee ay ka fulisay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.