Puntland oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan Daacish iyo Argagixisada

Garoowe (Raxanreb online) – Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday hawlgal militari oo aad u weyn oo loo bixiyay Hilaac, kaasoo deegaanada buuraleyda Puntland looga ciribtiraayo kooxaha Daacish iyo Shabaabka.

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta si rasmi ah u furay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee (Hillaac), kaasi oo ujeedkiisu yahay in argagixisada laga sifeeyo buuralayda Puntland.

Sidoo kale, ku dhawaqista howlgalkan cusub ee Hilaac loogu magac daray ayaa yimid kaddib markii, uu maalmo ka hor madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay howlgal cusub lagula dagaalamaya argagixisada ku dhuumaaleysaneysa buuraha gobolada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala.

Dhanka kale, Puntland ayaa maanta soo bandhigtay cudada ciidankeeda iyo qalabkooda, taas oo muujineysa in Puntland diyaar utahay howlgalka sifeynta buuraha Galagal ee Hilaac

Leave a Reply

Your email address will not be published.