Puntland oo sheegtay in gacanta ay dhigeen AS   & Daacish.

Puntland oo sheegtay in gacanta ay dhigeen AS   & Daacish.

Bosooso ( Raxanreeb ) War ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa  lagu sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen xubno sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al – Shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay Talisku in sidoo kale ay ku raad joogaan saraakiil ka kale oo ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al- Shabaab sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska booliska.

War kasoo baxay Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa lagu sheegay in Saraakiisha la qabtay ay kala yihiin Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.

Saraakiisha ayaa sheeegay in xubnahan gacanta ay ku hayaan ay wajihi doonaan cadaalada isla markaana talaabo ay ka qaadi doonaan sida lagu sheegay hadalka ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Bari ee Puntland.

Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka kasoo baxay taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari.

Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan xubno katirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar dagaal la gala ciidamada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.