Puntland oo sheegtay in guushii ugu waynayd ay ka gaartay dagaalka Daacish

Puntland oo sheegtay in guushii ugu waynayd ay ka gaartay dagaalka Daacish

Boosaaso ( Raxanreeb Online) Ciidamada Puntland oo shalay gelinkii dambe howlgal ballaaran ka sameeyay Dooxada Miiraale, ayaa sheegay inay guulo ka soo hoyeen.

War kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalyahannada Daacish ee ku sugnaa deegaanka lagu dilay iska horimaad, kaasi oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dhexmara ciidamada Puntland iyo Daacish tan iyo bishii February.

“Allaahu Akbar, Ciidanka Dowladda Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay aagga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo ka saaray godadkii. Dhammeystirka wejiga 3-aad ee hawlgalka” ayaa lagu yiri warkan oo lagu daabacay bogga wasaaradda amniga Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa sheegay in muddo ah ay sahminayee toggan Miraale islamarkaana ay imika qeybo ka mid ah qabsadeen.

“Muddo ciidamadu waxay sahminayeen waddooyinka soo gala aagga togga Miiraale muddo badan ayay soo qodox-qaadeen marka shalay dagaal baa ka dhacay oo waxay gaareen godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen ciidanka wya kula dagaalameen wayna ka saareen,” ayuu yiri wasiir Ceydiid.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in xalay saqdii dhexe ay Daacish weerar ku soo qaadeen ciidamada Puntland.

“Waxay isku dayeen inay ciidanka soo weeraraan oo ay isku qarxiyaan xalay saq-dhexe, dhamaantood waa la laayay intii soo weerartay,” ayuu intaa ku daray.

Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa xusay in wali ay jiraan meelo ay togga Miiraale kaga harsan yihiin Daacish islamarkaana uu holwgalku wali socdo.

“Toggaas badankiisa meelo badan oo ay saldhigyo ku leeyihiin in badan waa laga soo saaray, ceelasha badankood waa laga so saaray tiro aan badnayn ayaa gacantooda ku haray,” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Dadka dhintay waxa sida la sheegay ku jira dagaallamayaal shisheeye ah. Sidoo kale hoggaamiyeyaal ayaa la sheegay hawlgallada ay ku dhinteen intii ay socdeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.