Puntland ‘’ Waxba kama jiraan in ciidanka DFS howlgal ay ka fuliyeen Puntland ‘’

Puntland ‘’ Waxba kama jiraan in ciidanka DFS howlgal ay ka fuliyeen Puntland ‘’

Garoowe (Raxanreeb )- War ka soo baxay maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin in ciidanka Dowladda Soomaaliya howlgalo ay ka fuliyeen deegaanada Puntland.

Warka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in waxba kama jiraan  ay tahay in ciidanka  dowladda Soomaaliya howlgal ay ka fuliyeen buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Puntland ayaana sheegtay in buuraha deegaanka Caalmadow ay joogaan ciidamada Puntland , waxa ayna si cad u beeniyeen in aysan jirin wax ciidan dowladda Soomaaliya ka ammar qaata oo jooga deegaankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.