Qoysas ku go’doomay fatahaadaha Jubbaland

Qoysas ku go’doomay fatahaadaha Jubbaland

Kismaayo (Raxanreeb) Qoysas caruur iyo haween u badan oo muddo laba maalin ah ku go’doonsanaa fatahaad saameysay degaano hoos taga degmada Jamaame ayey ciidamada Jubaland soo badbaadiyeen.

Xubno isugu jira Xildhibaano heer Federaal ah, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, siyaasiyiin, Lataliyaal sare aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa socdaal ku tagay degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Jamaame oo ay qoysas badan ku go’doonsanaayeen.

Ciidamada oo isticmaalaya doonyo iyo qalab kale ayaa deegaanada ay sida daran u saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka soo badbaadiyey qoysas la arkay iyagoo go’doon kujira ka dib markii ay qabatay Camerada Dronka ah oo lagu baadi goobayay dad badan oo lala yahay maadama dhulku howd yahay biyo badana ay fadhiyaan.

Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland ayaa door weyn ka qaatay samata bixinta dadka danyarta ah ee go’doonka ku jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.