Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo kulan la yeeshay Madaxweymaha Ciraaq Abdul Latif Rashiid

Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo kulan la yeeshay Madaxweymaha Ciraaq Abdul Latif Rashiid

Manama (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain, xalay isagoona kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaasi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya ummadda muslimiinta ah ee ku nool labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Baxreyn uga qeyb galaya meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta, oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa kaga qayb galayo Magaalada Manama ee dalka Bahrain.