Soomaaliya oo carabta garab uga raadineysa doonisteeda xubinnimada Golaha Amaanka

Soomaaliya oo carabta garab uga raadineysa doonisteeda xubinnimada Golaha Amaanka

Manama (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in dalalka Carabtu ay ku garab taagan yihiin Soomaaliya ku guulaysiga kursiga aan jogtada ahayn ee golaha amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo ay tartan ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd.

Arintan ayaa imaanaysa, iyadoo maanta lagu wado in shirka wadamada ku jira ururka jaamacada carabtu ay meertadoodii 33-aad ku yeeshaan magaalada Manama ee dalka Baxrayn.

Raysal wasaaradaha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa ka mida madaxda shirkaas ka qayb galaysa, waxana isaga iyo wafdigiisu xalay gaareen magaalada uu shirku ka dhacayo.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed macalin Fiqi ayaa kahor shirka sheegay in dawladdaha carabtu garab joogaan doonisteeda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada golaha ammaanka.

‘’Shirkan waxa lagu taageerayaa Soomaaliya in ay xubin ka noqoto golaha ammaanka, 22-ka dal ee wadamada carabtu way ku garab taagan yihiin in ay u codeeyaan Soomaaliya in ay kamid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha amniga’’ ayuu yiri wasiir Fiqi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama.

Soomaaliya ayaa maanta shirkaas la tegeysa qodobo muujinaya guulaha ay xaqiijisay iyo xadgudubka Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in shirka ay ka soo bixi doonaan qodobo lagu taageerayo go’aanada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in dalalka Carabta ay Soomaaliya ku taageerayaan inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.