Ruto ” Haddii ATMIS ay baxdo Soomaaliya waxaa la wareegaysa Al- Ashabaab “.

Ruto ” Haddii ATMIS ay baxdo Soomaaliya waxaa la wareegaysa Al- Ashabaab “.

Nairobi (Raxanreeb )-Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in Kooxda AS ay qabsan doonto guud ahaan dalka Soomaaliya haddii ay baxaan Ciidanka ATMIS.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay in Ciidanka ATMIS aysan ka bixin Soomaaliya, balse ay isku fahmi waayeen arrintaasi.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka dalbaday Mareykanka in uu soo fara-geliyo islamarkaaana uu hakiyo qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS.

Hadalkan ayaa yimid markii Madaxwaynaha Kenya uu booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka halkaas oo uu kula kulmay Madaxwayne Biden.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo muddo 15 sano ah booqasho rasmi ah ku taga dalka Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.