Luanda (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.
Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyadoo Soomaaliya halkaas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaanka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hay’adaha dowliga, dib-u-habeynta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.
Sidoo kale Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah, oo ay kamid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka waxa uu ugu baaqay labada dhinac “Afrika iyo Yurub” in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal horumar leh, barwaaqo iyo caddaalad ku dhisan.

Leave a Reply