Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey iska horimaadkii shalay ka dhacay saldhigga degmada Warta-nabada ee magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa isku day afgambi oo ay mucaaradka sameyeen, balse uu fashilmay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigga uu ahaa mid sharci-darro ah, islamarkaana ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda dowladda, Waxa uu si cad u sheegay in falkaasi uu yahay isku day lagu doonayay in lagu carqaladeeyo amniga iyo kala dambeynta dalka.
Mudane Xamsa ayaa faray ciidamada amniga in ay tallaabo sharci ah ka qadaan cid kasta oo ku kacda falal amni darro ah ama si weeraraan hay’adaha amniga dalka.
”Falkii shalay lagu weeraray saldhigga Boliiska, waxaa uu xambaarsanaa farriin ah Muqdisho uma qalanto hormar iyo xasillooni, waxaana lagu diidanaa in Muwaadiniinta loo celiyo xaquuqdooda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Khawaarijta. Hay’adaha amniga waxaan farayaa in ammaanka Muwaadiniinta ay sugaan, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sii xoojin doonto dedaalada amniga lagu xoojinayo dalka.

Leave a Reply