Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta isku shaandhayn ku sameeyey qaar kamid ah golahiisa wasiirrada.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza, ayaa xilalkii looga qaaday wasiirka howlaha guud dib u dhiska iyo gureeynta Dr Cilmi Maxamuud iyo wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, iyada xilalkaas oo loo magacaabay xubno cusub.
Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya, halka wasiirka howlaha guud, dib u dhiska iyo guryeenta loo magacaabay Xildhibaan Ayuub Yuusuf Ismaaciil.

Leave a Reply