Beledwayne (Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer ugu tagay ciidanka Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Kormeerkan waxaa ku wehliyay Ra’iisulwasaaraha Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo labaduba dhiiragalin u muujiyay ciidanka dagaalka kala soo horjeeda Al- Shabaab.
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay in Dowladda markasta diyaar ay la tahay , garab istaaga ciidanka ku howlan jabinta Al – Shabaab-ka ku sugan degaanada gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa ciidamada la wadaagay inay garab taagan yihiin, ayna u diyaar garoobaan xoojinta howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.
Waa safarkii ugu horeyey ee uu Ra’iisul Wasaraha Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku tagay Magalada Beledweyne tan iyo Magacaabistii 25 Juun 2022-ka.
Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degaano ka mid ah gobolka Hiiraan waxa ay ka wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay kaga sifeeyeen degaanada gobolka Hiiraan Al Shabaab.
Dhawr goobood ayay ciidanka Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ay isaga hor yimaadeen , halkaas oo la soo warinayo ina y ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Leave a Reply