Safiirka Shiinaha oo la kulmay Xasan Sheekh

Safiirka Shiinaha oo la kulmay Xasan Sheekh

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta madaxtooyada qaranka ku qaabilay Fei Shengchao, safiirka u fadhiya dalka Shiinaha Soomaaliya.

Danjiraha ayaa la wadaagay Xasan Sheekh, in ay dowladda Shiinaha garab istaagantahay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada dalka Shiinaha sidoo kalena ay muhiim tahay in loo hoggaasamo shuruucda caalamiga ah.

Kulankan safiirka iyo madaxweyne Xasan, ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya, ay wajaheeyso xaalad adag oo dhanka badda ah, kaddib heshiiskii is af-garadka ee dhowaan Somaliland, ay Itoobiya la gashay kaas oo bad dhan 20km inkabadan lagu siinayo Itoobiya.

Xaaladda Shiinaha iyo maamulka Somaliland, ayaan wanaagaaneeyn taasoo xiisad adag ka taagneed sannadihii danbe, kaddib maamulka Somaliland, ay is aqoonsadeen maamulka Taiwan oo rabo in uu ka go’o dalka Shiinaha.

Maamulka Somaliland ayaa dunidu ka soo qaaday maamul aan geli karin heshiis Caalami ah, waxaana sidaas ku guuleysatay dooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna arrintaan dhabarjab caalami ah, ku noqotay Itoobiya, oo damaceedu ahaa in bad ay hesho.

Soomaaliya, ayaa olole caalami ah, u gashay baddeeda oo Itoobiya soo hamisay, sidoo kalena ay garab istaag xooggan ka heshay dowladaha adduunka ugu qubadka weeyn sida Mareykanka Uk, Masar Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Dalalka Caalamka, oo Itoobiya, uga digay in aysan marnaba suurtagal ahayn in aysan haweeysan karin Badda Soomaaliya.

Sidoo kale Muqdisho, ayaa waxaa ka socda bannaan baxyo waa weeyn oo ay dhigayaan dadka shacabka ku dhaqan, kaas oo looga soo horjeedo Itoobiya damaceeda gurracan ee ku aadan Badda Soomaaliya.