WARCUSUB : Ciidanka Itoobiya oo toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliska Somaliland.

WARCUSUB : Ciidanka Itoobiya oo toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliska Somaliland.

Salaxlay (Raxanreeb ) Ciidanka Itoobiya ayaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo qof shacab ah ku dilay deegaanka xadka ku yaala ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay.

Labada Marxuum ayaa u dhintay toogasho ay ku sameeyeen Ciidanka Itoobiya ee xadka ku sugan.

Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay degmada Salalaxlay , halkaas si aad ah looga hadal hayo dhacdadan ay ku kacee ciidanka Itoobiya.

Maamulka degmada ma jiraan wax faahfaahin ah oo ay ka soo saareen dhacdadan lagu toogtay dadkaas Soomaaliyeed ee deegaankooda ku sugnaa.

Arrimahan oo dhan ayaa imaanaya iyadoo uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib heshiis is afgarad ah oo Somaliland ay la gashay Dowladda Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.