Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed

Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed

Bakool ( Raxanreeb) Xuseen Madkeer Ismaaciil oo Mudo 4sano ah ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa Isku soo dhiibay Ciidamada Amniga Degmada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool.

Xuseen Madkeer ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada wuxuuna usoo adkaysan waayay dhibaatooyinka faraha Badan Ee Al-Shabaab iyo Howlgalada Ciidamada Xooga Dalka.

Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli katirsan Al-Shabaab inay kasoo baxaan, isla markaana isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya ama Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa kordhay xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada ee kajira dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.