Hargeysa ( Raxanreeb Online) Taliska Booliska Somaliland, ayaa xaqiijiyay in sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka Booliska Somaliland, laga helay asiga oo meyd ah qolkii uu ka deganaa hotel ku yaalla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.
Qoraalka kasoo baxay Booliska ayaa la sheegay in sarkaalka geeriyooday uu horay uga mid ahaa halgamayaashii SNM ee Somaliland.
“Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Caddib oo ahaa Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa Ciidanka Booliska JSL, isla markaana ka mid ahaa halgamayaashii SNM, ayaa maanta lagu helay isagoo mayd ah qolkii uu ka deganaa huteel ku yaalla degmada Gacan-libaax” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska Somaliland.
Sidoo kale booliska ayaa sheegay in marxuumka lagu arkay hal xabbad oo ku taalla jirkiisa, halka bastooladina ay ag taalay.
Waxaana sidoo kale booliska tilmaamay in ay gacanta ku hayaan baaritaanka kiiskan, ayna 48 sacaaddood gudahood kusoo saari doonaa baaritaanka hordhaca ah.
Ugu dambeyn taliska Booliska ayaa bulshada iyo ehellada marxuumka ka codsay inaan laga hordhicin natiijada baaritaanka, waxaana taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo dhammaan Somalialnd.

Leave a Reply