Shabaab & DF oo isku fara-saaray Muqdisho & nabadoon ay dileen kooxda.

Shabaab & DF oo isku fara-saaray Muqdisho & nabadoon ay dileen kooxda.

Muqdisho (Raxanreeb )  Iska hor imaad u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab ayaa ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa in mudda ah ka socday halka lagu magacaabo deegaanka Burdheere Saciid oo katirsan degmada Dayniile ee  gobolka Banaadir.

Markii hore waxaa la sheegay in kooxda Al- Shabaab ay soo qadeen weerarka , waxaana iska cabin ay kala kulmeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee deegaankaas ku sugan.

Kooxda Al- Shabaab ayaa sidoo kale isla degmada waxay ku dileen nabadoon dhawaan lagu caleema saaray – magaalada Muqdisho kaas oo lagu magacaabayay Cabdi Xasan Muxidiin iyo nin kale oo ilaalo u ahaa.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka deegaanka ayaana iska caabiyay kooxdii weerarka kusoo qaaday, waxa ayna halkaasi ku dileen mid kamid ah raggii weerarka soo qaaday.

Xarunta dambi baarista CID-da ayaa saakay la geeyay meydadka nabadoonka la dilay iyo ninkii ilaalada u ahaa.

Ciidanka dowladda ayaa saakay howlgalo kawada deegaanka Burdheere Siciid ee degmada Dayniile, waxa ayna halkaasi ka raadinayaan raggii Al Shababa katirsanaa ee weerarka kusoo qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.