Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan weli u diyaar saneen doorashada Qof iyo Cod, isla markaana dalka uu khatar weyn ku jiro amnigiisa.
Sheekh Shariif ayaa dooday in doorashada ay wado dowladda aysan ka turjumeeynin xaqiiqda dalka, isla markaana ay ku kooban tahay hadal siyaasadeed oo aan filic laheyn.
“Doorashada qof iyo codka hadal keliya laguma gaaro, waxay u baahan tahay shuruuc, xisbiyo shaqaynaya, iyo amni la isku halleyn karo,” ayuu yiri Madaxweynaha hore oo wareysiga siiyay BBC-da qeybta Af Soomaaliga ah.
Isagoo ka hadlayay amniga dalka, wuxuu sheegay inay jiraan cabsi dhab ah oo ku saabsan sii jireenka dowladnimada haddii aan la helin qorshe lagu mideysan yahay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga dalka uu khatar ku jiro, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay ka wal walsan yihiin amniga dalka sida uu noqon doono mustaqbalka sannadaha soo socda.
Waxa uu carabka ku dhuftay in hal xisbi oo Villa Somalia ay wadato ay dhaawaceyso tartanka xisbiyada iyo dimoqraadiyadda.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in ay la timaado hanaan siyaasadeed oo lagu xalin karo khilaafka dowladda iyo mucaaradka lagu ilaalinayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Leave a Reply