SJS oo magaalada Garoowe ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan maalinti caalamiga ah Xuquuqda aadanaha

SJS oo magaalada Garoowe ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan maalinti caalamiga ah Xuquuqda aadanaha

Garoowe (Raxanreeb online) – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku qabtay dood kusaabsan xuska maalinta xaquuqda Aadanaha taas oo lagu iftimanaayey caqabadaha jira ee dhanka xaquuqda bulshadda an codka lahayn iyo sida lagu xallin karoo dhibaatooyinka garsoorka iyo u sinnaanta bulshadda ee shaqooyinka, Xilalka iyo adeeggyada garsoorka.

Sidoo kale, daahfurka doodda waxaa ka qaybgalay mas’uuliyin ka tirsan xukumadda Puntland, ururada bulshada rayidka ah, ardayda jaamacaddaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana shirka furay wasiirka wasaradda caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed.

Dhanka kale, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamed Ciise Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ilaalinta xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka iyo doorka ay wasaaradiisu ka qaadato u qareemidda suxufiyiinta iyo awoodsiintooda helidda xogta.

Wasiirka wasaradda caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahab Axmed oo madasha furay waxa uu ku dheeraday taariikha 10 dec, heerka caddaaladeed ee Puntland, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya guud ahaan Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa la gudagalay dood ku saabsan mawduuca barnaamijka oo ay ka qaybgaleen xubno ka socda ciidanka Booliska Puntland, ururada bulshada rayidka ah, xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, wasaaradda haweenka PL iyo xubin ka socota SJS oo matalaysay doorka warbaahinta, waxaana goobta lagu waydiiyey su’aalo kala duwan iyadoona ka qaybgalayaashu dhiibteen aragtiyo su’aalana waydiiyeen ka qaybgalayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.