Somaliland ‘’Dowlada Xasan Sheekh ayaa Itoobiya la gashay heshiiska badda‘’

Somaliland ‘’Dowlada Xasan Sheekh ayaa Itoobiya la gashay heshiiska badda‘’

Hargaysa (Raxanreeb ) Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Somaliland ayaa saaka sheegay laba heshiis oo dhinaca badda ah oo xukuumadda Soomaaliya saxiixday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay laba bilood ka hor inuu cusboonaysiiyay heshiiska islamarkaana uu saxeexay wasiirkiisa Gaashaandhiggu.

Taliska Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Oo iibsaday baddii soomaaliya markay arkeen gugulufka soomaali oo mideeysan ku qaaday waxay isku dayayaaan farsamo raqiisa oo soomaalida dhexdeeda shaki lagu kala abuurayo.

“Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo qarsoodi ahaa, inaga heshiiska madaxweynuhu markuu madaarka kasoo dagay ayuu dadka uga waramay” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo mudaharaado ay dowladu soo abaabushay ay maalintii labaad ka dhaceen gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.