Soomaaliya oo kaga qeyb galeysa Addis Ababa Shirka iskaashiga Geeska Africa

Soomaaliya oo kaga qeyb galeysa Addis Ababa Shirka iskaashiga Geeska Africa

Addis Ababa (Raxanreeb) — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika.

Shirkaan ayaa looga hadlaya horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka. Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wiisarada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.