Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
“Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.
“Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”
“Waxaan walaac ka muujineyaa heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ee lagu dhawaaqay Janaayo 2024. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in xaaladda ay sii xumaato, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada gobolka, Midowga Afrika iyo iyada oo loo marayo xiriiro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri qoraalka G7.
“Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadal lala galo Itoobiya ayaa ah mid aan suurta-gal ahayn illaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a faragelinta la’aanta ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri mar kale.
Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykankahoray u kuwaas oowalaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada.