TAFAASIIL : Muxuu yahay markabka muranka dhaliyay ee ku soo xirtay Dekada Muqdisho ? .

TAFAASIIL : Muxuu yahay markabka muranka dhaliyay ee ku soo xirtay Dekada Muqdisho ? .

Muqdisho (Raxanreeb )- Soomaaliya iney kamid noqoto wadama markabka Turkigu marayo ayaa kamid ahayd heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya. Balse, Markabka hawshiisu waa xus taariikeed u dhexeeya Japan iyo Turkey.”

Is-maan-dhaafku Xagee Ka Jiraa?

1. Turkey waxay cadeysay in markabku ku socdo Japan, ayadoo laxusayo qarnigii ka soo wareegay bilowgii xiriirka caalamiga ee labada dal. Waana arrin taariikh dheer leh. Wuxuuna markabku tagayaa 24 dakadood ama 20 dal oo caalamka. Sida ku cad qormada Daily Sabah ee hoos ku lifaaqan.

2. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in markabku qeyb ka yahay heshiiskii difaaca xeebaha Soomaaliya iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal wada galeen kal dhaweyto. Mana faah-faahin qisada dhabta ee uu ku qotomo socdaalka dheer ee markabkan. Waxayna arrintu u ekaatay ama loo qaatay in markabku u yimid difaaca xeebaha Soomaaliya, sida filashada shacabku ahayd. Waxayna arrintu abuurtay is-maan-dhaaf iyo dood balaaran.

XAQIIQADA: Xaqiiqaduse waxay tahay

1. In markabkani socdaal dheer oo taariikhi ah ku marayo 20 wadan oo Soomaaliya ka mid tahay.

2. Balse, In markabku yimaado Soomaaliya, ayaa ficil ahaan kamid aheyd heshiiskii labada dal, taas oo muujineysa muhiimada weyn ee Soomaaliya u leedahay Turkiga.

2. Turkiga oo fariin Diplomacy oo weyn ka diray munaasabadii kolkii markabku ku soo xirtay dekeda Muqdisho, oo sheegay “in difaaca Soomaaliya uu lamid yahay kan Turkiga”. Waana fariinta ugu weyn ee arrintu xambaarsaneyd, laakiin dooda social media ha ka maqan. Waana arrinta ay DFS ku guul daraysatay iney shacabkeeda iyo caalamkaba u cadeyso.

Sidaas awgeed, Xaqiiqadu waa in Markabku yimaado, oo Soomaaliya lagu daro liiska wadamada uu tagayo ayaa kamid ahayd heshiiskii labada dal ee difaaca iyo iskaashiga dhaqaale. Balse markabkani uma imaan difaaca xeebaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.